Thursday, September 1, 2016

Sooyaalkii Taariikheed ee Faarax-omar (School) Hargeisa


Dugsiga:: Faarax-omar waa dugsi aad u qurux badan oo ku yaala magaalada hargeysa, waa dugsi ku fadhiya dhul aad u wayn, waa dugsi dhismihiisu aad u quruxsan yahay, waa dugsi quruxda uu leeyahay ay dheer tahay dhir faro badan oo aad u quruxbadan oo ku teedsan dhismaha dugsiga oo dhan, waa dugsi aqoon badan laga helo oo ay arday badani dhigtaan qaarkalena ka aflaxeen.
Faarax-omar secondry school sababihii loo dhisay waxaa ka mid ahaa markii ardaydii dugsiyada dhexe ee gobolka waqooyi galbeed (Hargeisa) ay meel ay waxbarashadooda ka sii wataan waayeen ayaa sanadkii 1966-1967 ay mudaharaadyo waawayn kala horyimaadeen dawladii Somalia oo wakhtigaa uu alle ha u naxariistee uu raiisal wasaare ka ahaa Maxamed xaaji ibraahin cigal oo u dhashay gobolada waqooyi waxa uu amar ku bixiyay in la dhiso dugsi sare oo ay leedahay gobolada waqooyi galbeed ama Hargeisa.
Waxa iyaduna xusid mudan in mudaharaadyadaa ay ardaydu wadeen uu ku dhintay alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Haybe waana ardaygii loogu magac daray dugsiga oo markii hore la odhan jiray Xabadi keentay , sababta loogu bixiyayna waxa ay ahayd dhimashadii wiilka dhalinyarta ah ee jeclaa in uu waxbarto.
Faarax-omar oo markii hore la odhan jiray Xabadi keentay waxaa la dhisay sanadkii 1969, waana dugsigii ugu horeeyay ee laga dhiso gobolada waqooyi ama hargeysa ee ah dugsi sare (High school). Dhisida dugsiga waxaa dhistay shirkad talyaani ah oo la odhan jiray Netcowaxa ay shirkadaasi dhistay oo keli ah galaasyada la galo. Sanadkii 1974 ayaa dugsiaga waxaa lagu kordhiyay dhismaha danbe ee ay macalimiintu gali jireen. Waxaa kaloo xusid mudan in la dhisay dayrka dugsiga ku wareegsan sanadkii 1976 oo sifiican loo dhamaystiray dhamaan dugsiga oo dhan.
Faarax maamulhii ugu horeeyay ee maamule ka noqda waxa uu ahaa nin caanka ah xaga taariikhda dugsiga waxaana la odhan jirayCismaan Gahayr Jaamac , waxaana ku xigay Cali Askar Sugaal oo ku magac dheeraa Mr. Fililik , Waxyaabo badan ayaa lagu xasuustaa maamulhaa oo ay ka mid ahayd nin adag oo degen ayuu ahaa aqoona u leh sida wax loo maamulo.

Taariikhdii danbe ee Faarax-omar::

Sanadkii 1991 markii dalka laga xoreeyay xukuumadii Siyad Barre waxa dalka aad uga curtay waxbarashadii Somaliland, dalkuna waa burbursanaa oo dhismayaashii aad ayay u bur-bursanaayeen, markaa dadkii dalka ku soo noqday waxa ay hoy lagalo ka dhigteen Dugsiaga sare ee Faarax-omar oo dhismihiisu aanu burburin oo uu aad u adkaa, markaa waxa sanadkii 1992 marlaga dhigay dugisaga meel ay ardayda yar-yari wax ku bartaan.
Sanadkii 1997 ayaa waxa ay somaliland yeelatay arday ka qalin jabisay dugsiyada hoose dhexe ee hargeysa, farax omar waxa uu markale noqday in uu ka dhex bidh-bidho waxbarashada Somaliland isaga oo noqday dugsigii dugsigii ugu horeyay ee sare ee ay yeelato xukuumada somaliland, sanadkaa waxa ay ahaayeen arday yar ardaydii soo baxday markaa waxaa dib loo geeyay faarax omar maamulihii ugu horeeyay ee taariikhda gala waxa uu ahaa MR.Ali Abdi Jiciir oo ah maamule caan ah.
Maamulihii danbe ee la xusi karo ee soo mara faarax-omar waxa uu ahaa maamule aad u fiican oo al odhan jiray Cawil Xuseen Geedi waa maamulhii ugu fiicnaa inta aan dhigan jiray iskuulka aniga oo ah khaalid ee aan yeesho, waa nin aqoon heer sare ah ilaahay siiyay, waana maamulihii ugu mudada dheeraa. In manka oo ay taariikhdu tahay 2007 waxa dugisiga maamule ka ah Cabdi-Shakuur waxaana maamule ku xigeen ka ah Siciid shiil .
faarax-omar waxa la dhisay 1969
Faarax-omar waxa dib loo dhisay sanadkii 2000 waxaana dhisay hayado badan oo ay ka mid tahay hayda CFBT- iyo waliba haayado kale oo badan oo macaawimo ka geestay dhisida iskuulka.

Maanta oo u sanadku yahay 2016, waa wakhtigii u dugsigu ugu wanaagsan yahaywaxa mamuule ka ah Siciid Cabdi , oo dugsiga hormar gaadhsiyay durtaba, aad bay ugu mahad celinayaan ardaydu iyo macallimiintuba mudane Siciid shiil.